Dowladda federaalka oo caalamka kala hadlay ogolaanshaha baasaboorka Soomaaliga

by wadani | Wednesday, Nov 2, 2016

Muqdisho :HN :-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa baasaboor Soomaaliga in uu noqdo mid lugu tagi karo dunidda oo dhan,sida uu sheegay taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsidiyada dowlada Soomaaliya,Maxamed Aadan Koofi.

Qorshaha ayuu ku sheegay taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsidiyada dowlada Soomaaliya in ay dowladdu waday muddo dheer,waxaana dowladda ay wadamo badan oo caalamka ah kala hadashay sidii ay u aqbali lahaayeen in baasaboorka Soomaaliya loogu safri karo dalalkooda.

Koofi,wuxuu inta ku darey dowladda arrintan inay u xilsaartay dad khuburo ah oo arrimaha socdaalka ku xeel-dheer,kuwaaso ka shaqeynaya sidii baasaboorka Soomaaliya caalamka looga aqoonsan lahaa.

Sharciga iyo sifaha lagu bixiyo baasaboorka iyaga oo laga eegayo ayuu sheegay taliye Koofi in la wada qaatay in lagu kalsoonaan karo baasaboorka dalka Soomaaliya.

“Dowladda waxaa ay dooneyso qofka Soomaaliga inuu dunidda kale ugu safri karo baasaboorkiisa,wuuna socda qorshaha oo meel wanagsan maraya,”ayuu yiri taliyaha taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsidiyada dowlada Soomaaliya,Maxamed Aadan Koofi.

Docda kale,taliya socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya wuxuu ka dalbaday shacabka Soomaliyeed iney u dulqaataan sharciyada adag ee lagu soo rogay qaadashada baasaboorka Soomaaliya, taasi oo sahleysa in la aqoonsado baasaboorka laguna tagaa meelo badan oo caalamka ah.

Baabasboorka Soomaaliya hadda waxaa lugu taga dalal kooban,waxaase jira waddado badan oo caalamka ah oo ogal fiisaha dalka ku gal in lugu qaato baasaboorka Soomaaliga.
__

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!