Dowladda Imaaraadka Carabta oo ciidammo u tababareysa Soomaaliya

by admin | Thursday, Apr 9, 2015

Muqdisho : HN :–Dowladda Isutaga Imaaradka Carabta ayaa maanta  tababar  u qaaday 43 askari oo ka mid ah kuwa ilaalada Madaxtooyada kuwaasi oo ah dufcadii afaraad ee lagu soo tababarayo dalkaasi Imaaradka Carabta.

Dhalinyarrada la sheegay in la soo tababarayo ee maanta loo qaaday dalka Iskutaga imaaraadka Carabta  ayaa waxaa la soo bari doonaa Ilaalinta xafiisyada dowladda , Ilaalinta Wufuuda caalamka iyo Shaqsiyada muhiimka ah waxaana tababarkan uu socon doonaa mudo ku siman saddex  bilood.

“Dufcadan Afaraad waa tii ugu danbaysay ee la soo barayo habka loo ilaaliyo xafiisyada dowladda ee muhiimka ah iyo masuuliyiinta sarIMG_6673 sare , marka loo geeyo saddex dufcadood oo ka horeeyay kuwan waxay noqonaysaa 210 askari”ayuu yiri Maxamed Axmed Cusmaan Alxumaadi  Safiirka Dowladda Imaaradka Carabta  ee Soomaaliya .

Sidoo kale waxaa maanta dadka la qaadat ku jiray Canad Sheekh Maxamed oo ah muwaadinad Soomaaliya haysatana dhalashada dalka Kanada oo ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii  hotel Makka Almukarama.

Dowladda Imaaradka carabta ayaa dowlada Federaalka Soomaaliya  ka caawiya dhinacyada Tababarada iyo mashaariicda dib u dhiska dalka gaar ahaan wasaaradaha ,Isbitaalada Saldhigyada ciidamada.

Safiirka dowladda Isutaga  Maxamed Axmed Cusmaan Alxumaadi  ayaa sheegay inay haatan gacanta ku hayaan dhismaha xarumo Booliis sida Marka, Afgooye, Baydhabo iyo Jowhar kuwaasi oo dhawaan la soo gaba gabeyn doono.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!