Dowladda Imaaraadka carabta oo digniin ka soo saartay xiriir dhaxmari kara Al-shabaab iyo ISIS

by admin | Thursday, Oct 30, 2014

Dubai : HN :–Dowladda Imaraadka Carabta ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay islamarkaana digniin ka soo saartay xiriir laga yaabo in uu dhaxmari karo Al-shabaab iyo kooxda lagu magacaabo Daacish [ISIS]

Wasiirka arrimaha dibada ee Imaaraadka Carabta Sheik Abdullah bin Zayed Al Nahyan ayaa ka digay xiriir dhex mara ururka IS iyo Alshabaab isagoo sheegay in loo baahan yahay in laga hortago.

Wakaalada wararka ee AP ayaa qoray in ururka IS oo sidoo kale loo yaqaan Daacish ayaa maamula dhul ballaaran oo ku kala yaal dalalka Ciraq iyo Siiriya ayaa waxaa la sheegay in ay isaga mid yihiin inay xiriir la leeyihiin Alqaacida iyo sidoo kale falal ay ka mid yihiin qaraxyada loo adeegsado gaadiidka,is qarxinta iyo weerarada lagu qaado dadka rayidka ah

Wasiirka arrimaha dibada ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in labadan urur uu xiriir dhex mari karo inkastoo haatan ay si kala gooniabdullah2910 ah ay u shaqeeyaan.

“Waxa dhabtii na cabsi gelinaya waa waxa aan ka aragno Daacish, Miyaan mustaqbalka arki doonaa xiriir wadashaqeyn ah oo dhex mara IS iyo Alshabaab?”ayuu yiri Sheik Abdullah oo ka hadlayay furitaanka shirweyne loogaga hadlayo kahortagida burcadeeda.

“Waa inaan bilownaa inaan isweydiino sida aan diyaarka ugu nahay haddii ay ahaan lahayd dalal, shirkado iyo ururo caalami ahba kahortagida halistaas,”ayuu sii raaciyay.

Hase yeeshe Sheik Abdullah ayaan sheegin wax gaar ah oo tilmaamaya sida ay labada urur u yeelan lahaayeen wax wadaqabsi balse waxaa jira warar sheegaya in ay dhici karto in ururka Alshabaab uu ka wareegto isbahaysiga uu la leeyahay Alqaacida una wareego IS.

 Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!