Dowladda Imaraadka oo ciidammo u soo tababartay Soomaaliya

by admin | Friday, Nov 14, 2014

Muqdisho : HN :– Waxaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho dufcadii saddexaad ciidammo gaar ah oo loogu talagalay ilaalada madaxtooyada Soomaaliya oo lagu soo tababaray dalka Iskutaga Imaraadka Carabta.

Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Cabdi Maxamed Axmed oo la hadlayay warfidiyeenka ayaa sheegay inay ciidankan yihiin qaybtii saddexaad ee tababar loogu qaaday Imaaraadka Carabta, iyadoo horay loo soo tababaray labo duufcadood oo isugu jira rag iyo dumar.

Sidoo kale, agaasime ku xigeenka Madaxtooyada ayaa intaas ku daray in ciidankan tababarka ku soo qaatay dalka Imaaradka Carabta ay yihiin kuwo la doonayo inay ka mid noqdaan, Ciidamo si gaar ah u ilaalin doona Villa Somalia iyo wafdiyada heerka sare ee imaanaya Caasimada.

“Ciidamadan maanta aan soo dhowaynayno waxaa la soo baray qaabka loo difaaco madaxda sare ee dowladda iyo ilaalinta dadka muhiimkaCidanimarad ah” ayuu yiri Cabdi Maxamed oo ku ammaanay dowladda Imaaraadka tababaridda ciidamada.

Dowlada Imaaradka Carabta iyo dowlada Federaalka Soomaaliya  ayaa kala saxiixday heshiis dhanka Militariga, iyadoo horay Imaaraadka Carabta ay uga fulisay dalka howlo mashaariic oo dhinaca dib u dhiska iyo taakuleynta shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!