Dowladda iyo Ahlu Sunna oo hishiis ku kala saxiixday degmada Caabud-waaq

by Somali | Wednesday, Mar 6, 2013 | 1 views

IMG_7237Galguduud : HN :  Wafdiga uu horkacayo ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo maas’uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca oo xalay kula saacado badan qaatay ku yeeshay degmada Caabud-waaq.

Kulanka oo ahaa mid ay ka wada qeyb-galay xubnaha xukuumada ee socdaalka ku maraya gobollka Galguduud iyo mas’uuliyiinta ugu sareysa Ahlu Sunna ayaa ugu danbeyntii leysku raacay ama lagu hishiiyay in dagaalyahannada Ahlu Sunna Waljameeca lagu biiriyo ciidamada dowladda.

Markii uu soo dhamaaday kulanka ayaa waxaa si wada jir ah warbaahinta ula hadllay wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariin Xusseen Guulleed iyo guddoomiyaha fulinta Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Cabdi Cali Fiidoow.

Labada mas’uul ayaa isku raacay in hishiiska dhaxmaray labada dhinac uu yahay sida ay hadalka u dhigeen mid taariikhi ah oo u gogol xaaray wada shaqeyn buuxda oo dhaxmarta labada dhinac.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in wada hadaladan xalay ku soo gabagaboobay degmada Caabud-waaq ahaayeen kuwo in mudo ahba soo socda, waxaana uu ku amaanay Ahlu Sunna Waljameeca dagaallka ay kula jirto kooxda Al-shabaab.

Dowladda iyo Ahlu Sunna ayaa horay ugu kala aragti duwnaa dhinaca siyaasada, laakiin waayadii ugu danbeeyay waxaa muuqatay in ay isaga oo dhawaanayeen dhinaca siyaasada.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!