Dowladda iyo Al-shabaab oo hal magac isku adeegsanaya

by admin | Monday, May 4, 2015

Muqdisho : HN :– Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in wixii hadda ka danbeeya warbaahinta madaxabanaan lagu amrayo in ay ugu yeeraan Al-shabaab magaca UGUS oo loo soo gaabiyo ”Ururka gumaadka Umada Soomaaliyeed” laakiin taa badalkeeda Al-shabaab ayaa  sheegtay in  warbaahinta looga baahan yahay magacaas in ay u adeegsadaan dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in magaca Al-shabaab uu yahay magac wanaagsan oo micno ahaan noqonaya ”Dhalinyarro” siddaaAl-shabaab_oo_Qaraxyo_Sheegatay daraadeed aysan habooneyn in la xumeeyo ama la wasaqeeyo magaca dhalinyarrada Soomaaliyeed looguna yeeri doono wixii hadda ka danbeeya Al-shabaab magaca UGUS.

Laakiin sidda lagu qoray bogaga Internetka Al-shabaab ayaa dhinacooda ku amray warbaahinta magacaas laftirkiisa u adeegsadaan dowladda oo ka shaqeyneysa sidda ay hadalka u dhigeen gumaadka umadda Soomaaliyeed.

Tallaabadan cusub ee dowladda iyo Al-shabaab ama UGUS ay qaadeen ayaa jahwareer ku noqon doona shaqada warbaahinta madaxabanaan ee Soomaaliya iyo xoriyada hadalka intaba.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!