Dowladda Jabuuti oo beenisay hadalkii ka soo yeeray taliyaha ciidammada ka jooga G/dhexe

by admin | Tuesday, Aug 25, 2015

Djabuuti : HN :– Dhawaan ayeey aheyd markii taliyaha ciidammada gobollada dhexe ee AMISOM Col Cabdoow Cabdi Dhimbil, shaac ka qaaday in ciidammada Itoobiya ee howlgalka wadda qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ka tirsaneyn howlgalka midowgga Africa.

Taliyaha guud ee militariga dalka Jabuuti Jen Sakariye Sheekh Ibraahi, oo warbaahinta la hadllay ayaa ku tilmaamay hadalka taliyaha Taliyaha_Ciidanka_Jabuuti_Somalia_HOLciidammada AMISOM ee gobollada dhexe mid been abuur ah oo aysan waxba ka jirin.

“Warkaas waa been, mana ahan mid ka Tarjumaysa Siyaasadda xukuumadda Jabuuti ee ku Aaddan Xiriirka dhaqan iyo daris-wanaag ee kala dhexeeya dalka Itoobiya,” ayuu Taliyaha Millateriga Jabuuti, Jen. Zakariye Shiikh Ibraahim ku yiri War-saxaafadeed uu kaga hadlay eedeyntan.
Wuxuu sheegay in eedeyntaasi tahay mid meel cidlla ah ku dhaceysa, islamarkaana ciidammada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya yihiin qeyb ka mid ah howlgalka lagula dagaalamayo argagixisada ee ka socday dalka Soomaaliya.
Taliyaha ayaa mar kale yiri. “Eedeymahan ceebta ah waa kuwo looga dan leeyahay in lagu carqaladeeyo is-aaminaadda u dhexeysa ciidamada labada waddan iyo in lagu kala daadiyo Geeddi-socodka Nabadda Somalia. Gaar ahaan Qaybta Afaraad ee AMISOM, Xilli la isku diyaarinayo dhismaha Maamul-goboleed loo sameeynayo Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.”
Lama oga sidda ay u saameeyn doonto taliye Cabdoow canaantan ugu timid dhinaca dowladda dalka Jabuuti, oo u muuqata mid siweyn uga careysan hadalkii dhawaan ka soo yeeray.
Hiiraan Net/

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!