Dowladda Jabuuti oo hishiis la gashay mucaaradka dalkaas

by admin | Saturday, Jan 3, 2015

Djabuuti : HN :– Xukuumadda Jabuuti iyo Isbahaysiga kasoo horjeeda ee USN ayaa heshiis ku gaaray magaalada Jabuuti ee xarunta dalkaas, kaddib muran ka dhex-dhashay oo ka dhashay muranka doorashadii baarlamaaniga ee ka dhacday dalkaas bishii Feberaayo ee sannadkii 2013-ka.

Heshiiska, oo uu saxiixay Ra’iisul Wasaare Abdoulkader Kamil iyo hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Midowga Badbaadada Qaranka (USN) Ahmed Youssouf, ayaa u oggolaanaya xubnaha USN in ay kuraas ku yeeshaan baarlamaanka markii ugu horreeysay tan io 2013-kii, markii USN ay ku eedeeysay xisbiga talada haya in uu ku shubtay doorashooyinkii.

“Heshiiskan taariikhiga ah waxa uu dariiqa u furayaa xilli cusub oo iskaashi iyo isgarabsi intii hore ka ballaaran oo dhexJabuuti_Agreement_Djibouti mara awoodaha siyaasadeed ee kala duwan ee ka jira dalka, taasoo sii xoojin doonta dimuqraadiyaddeena curdanka ah, sii adkeeyn doonta guulaha illaa iyo hadda la gaaray isla markaana oggolaan doonta in uu sii socdo geeddi socodka nabadda ah ee loogu jiro dimuqraadiyadda,” ayay hadal ay soo saartay ku tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jabuuti.

Bishii Feberaayo 2013-kii ayaa ahayd markii ugu horreysay oo mucaaradka dalka Jabuuti ay xubno ku yeeshaan baarlamaanka dalkaas tan iyo sanadkii 1992-kii oo ahayd markii laga mamnuucay inay baarlamaanka xildhibaanno ku yeeshaan.

“Xildhibaanadii USN ayaa ku soo noqon doona Baarlamaanka Qaranka, taasoo waddada u furi doonta in ay si buuxda uga qayb-qaataan nolosha siyaasiga ah ee dalka. Waxa la dhisi doonaa komishanno xubnahooda ku kala yimaadeen xisbiyada waxayna ka shaqeeyn doonaan isbaddallada siyaasadeed ee ay soo gudbiyeen labada xisbi,” ayaa lagu qoray hadalka.

Mas’uulka ka tirsan USN Maki Houmed Gaba ayaa sheegay in xisbigiisu uu siddeed kursi ka qaadan doono xubnaha baarlamaanka ee 65-ta ah.

“Komishan USN-ta iyo xukuumadda ah ayaa loo bilaabi doona in uu ka shaqeeyo heshiis dhameeystiran… oo ku aaddan isbaddalada dimuqraadiga ah, xaaladda mucaaradka iyo dib-u-habeeynta komishanka doorashooyinka,” ayuu yiri Gaba. “Waannu ku faraxsannahay heshiiskan, laakiin waa xayndaabkii — waa in aannu sugnaa heshiiska kama dambeeysta ah oo aan hubinnaa in ballamaha laga soo dhalaalay.”

Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa mid waliba ku soo dhaweeyay heshiiska hadal uu soo saaray Arbacadii.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!