Dowladda Jabuuti oo sheegtay in ay amniga kala shaqeyneyso dowladda Soomaaliya

by Somali | Wednesday, Dec 5, 2012 | 1 views

Muqdisho : HN :  Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya dalka Soomaaliya Danjire Dayib Dubad Rooble oo la hadllayay ayaa sheegay in ay gacan ka siin doonaan dowladda Soomaaliya arrimaha dhinaca nabad-galyada.

Safiirka ayaa sheegay in looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka faa’ideystaan fursada ay heystaan ee ah dowladda rasmiga ah ee u dhalatay.

‘’Soomaaliya waxaa ay cagta sii saareysaa wadada nabada iyo hormarka sidaa daraadeed shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay faa’ideystaan furasada,’’ ayuu yiri,’’ Dayib Dubad Rooballe.

Dowladda Jabuuti waxaa ay hadda ciidamo ka joogaan magaalada Baladweyne xarunta gobollka Hiiraan iyo magaalada Muqdisho, waxaana ay qeyb ka yihiin howlgalka midowgga Africa AMISOM.

Waxaa uu sheegay safiirka in dowladda Jabuuti ka go’an tahay in ay gacan ka siiyaan dowladda cusub ee Soomaaliya dhinaca nabad-galyada, gaar ahaan xasilinta deegaannada ay dowladda la wareegto.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!