Dowladda Jabuuti oo xabsiga dhigtay wasiirkii hore ee diinta & Awqaafta

by wadani | Thursday, Dec 31, 2015

Djabuuti : HN :–Dowladda Jabuuti ayaa xabsiga dhigtay wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Xaamud Cabdi Suldaan oo 21-kii bishan ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay magaalada Jabuuti.

Rabshadahaas ayaa waxaa ku geeriyooday illaa 19 ruux, inkastoo dowladda Jabuuti ay tirada ku dhimatay ku sheegtay todobo ruux, waxaana ay ku eedeysay rabshadahaas kooxo argagixiso ah oo hub watay.

Afhayeenka Dallada Mucaaradka Jabuuti ee USN Dahir Axmed Faarax ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ee Xaamud-Cabdi-Suldaam-280x175VOA in Ciidamada Booliska ay shalay ka qabteen Xaamud Cabdi Suldaan irida hore ee Isbitaal uu leeyahay milateriga Faransiiska, halkaasoo lagu daweynayay markii dhaawacyo ka soo gaaray rasaastii Booliska ku fureen.

Waxaa uu sheegay inuu aad uga walacsan yahay xaalada caafimaad ee Mr Xaamud, isla markaana aanu wali ka bogsoon dhaawicii soo gaaray, isla markaana u baahan yahay maalin walba inuu dhaqtar arko.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jabuuti ayaa xaqiijiyay in la xiray illaa 32 ruux oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, waxaana uu ku eedeeyay dadkaas inay ka dambeeyeen rabshadaha.

Ugu danbeyntii, rabshadihii ka dhacay Jabuuti ayaa waxaa cambaareysay dowladda Mareykanka, iyadoo ugu baaqday dowladda Jabuuti inay sii deyso xubnaha mucaaradka ee xiran.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!