Dowladda Kenya oo ka careysan dacwada badda Soomaaliya ee loo gudbiyay maxkamada caalamiga

by admin | Tuesday, Nov 11, 2014

Nairobi : HN :– Xukuumada Kenya ayaa siweyn uga careysan dacwada dowladda Soomaaliya ay xilli hore u gudbisay maxkamada cadaladda caalamiga ah,taaso la xiriirta muranka bada ee labada dalka ka dhexeeya.

Baarlamaanka dowladda Kenya ayaa la sheegay in uu dibada u soo saaray kaddib xildhibaannada qaarkood soo jeediyeen in gabi ahaanba xiriirka loo jaro dowladda Soomaaliya.

Kulanka baarlamaanka Kenya ee maanta oo u shir guddoominayo,Tetu MP Ndung’u Gethenji oo ah guddoomiyaha baarlamaanka dalkas ayaa waxaa la sheegay in looga doodayo dowladda Kenya inay xiriirka u jarto Soomaaliya.

Xubno ka mid ah baarlamaanka dalkaas iyo wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa horay u sheegay inan Kenya lugu qasbi karin in aybk xirir lasiiyeelato Soomaaliya,maxaa yeelay waa go’aan codowtinimo ah in Kenya iyo Soomaaliya islatagaan maxkamada cadaalada calamiga muranka badda awgiis.

Sidoo kale,xubnaha baarlamaanka Kenya ayaa ku taliyay in la de dejiyo go’aan ay dowladda Kenya ay gaaratay bishii aynu soo dhaafnay ee ahaa in irdaha loo laabo xerada Dhadhab,qaxootiga Soomaalidana dalkooda lagu celiyo.

Baarlamaanka ayaa si care leh u sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan Soomaaliya looga soo daadgureeyo ciidanka difaaca Kenya oo Soomaaliya la geeyay sanadkii 2011.

Horay ayaa madaxweynaha maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda Peter Tomka uu ushaaciyay in 13 July 2015 ay tahay waqtiga kama dambeysta ah ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya laga doonayo inay soo gudbiyaan doodahooda ku saabsan lahaanshaha dhul badeedka la isku haysto, oo la xaqiijiyey in laga helay lix ceel oo shidaal ah.

Peter wuxuu sheegay in labada dowladood laga doonayo in ay buuxiyaan dhammaan faylasha muhiimka u ah dacwadda inta u dhaxeysa 13-ka July 2015 ilaa 27-ka May 2016, iyadoo waqtigaas wixii ka dambeeya la billaabi doono dhageysiga dacwadda.

Waxaa jira 1972 sharci soo baxay oo ahaa in badda Soomaaliya ay tahay 200 Nitric Miles taasoo ilaa iyo hadda laga heli karo wabsit-ka xafiiska UN uqaabisan xaga badaha oo fadhigooda yahay magaalada New York.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!