Dowladda Kenya oo dib u dhigeysa xeritaanka xeryaha Dhadhaab

by wadani | Thursday, Nov 10, 2016

Nairobi  : HN :-Dawlada Kenya ayaa laga yaabaa inaysan ka dhabayn inay xirto xeryaha Dhadhaab bishaan kow iyo tobnaad ee sanadkaan sidii markii hore qorshaheedu ahaa.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Kenya Joseph Nkaissery ayaa bishii 5aad ee sanadkaan wacad ku maray in xeryahaa la xiri doono. Xeryahaa ayaa waxaa kujira boqolaal kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah.

Waxaa qorshuhu ahaa in bishaan la xiro 30keeda. UNHCR ayaa sheegtay in Sabtidii iyo wixii ka horeeyay ay noqdeen 34,900.

Qaxootiga ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay hadba qaar Soomaaliya ay u laabanayeen.

Ilaa hada 99 gaari iyo 160 diyaaradood ayaa qaxooti Soomaaliya ku ceshay.

Ilaa 66,252 ayaa iyana muujiyay in ay damacsan yihiin in dalka Soomaaliya ay ku laabtaan.

UNHCR ergeygeeda gaarka ah ee qaabilsan arimaha qaxootiga Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey ayaa shalay sheegay in waqtiga loo qabtay xirida xeryaha in la kordhiyo wada xaajood ku saabsan la gali doono.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!