Dowladda Kenya oo qeyb ka ah dadaalka lagu xalinayo khilaafka madaxda sare ee Soomaliya

by admin | Tuesday, Nov 25, 2014

Nairobi : HN :–Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay qeyb ka noqoneys dadaalka la doonayo in lagu soo afjaro khilaafka baahsan ee ka dhax oogan  madaxweynaha dowladda Soomaaliya, kaasoo hadda u muuqda mid loo raadinayo xal heer caalami ah.

William Ruto madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa hadalkan kusoo qaaday kulan uu xafiiskiisa Nairobi kula qaatay Talaadada maanta ah Miroslav Lajcak oo ah ku xigeenka ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Slovakia.

Ruto ayaa xusay in khilaafka u dhexeeya madaxweynaha Somalia iyo ra’iisul wasaarihiisa uu caqabad ku noqday dadaallada ay IGAD iyo dalkiisa Kenya ku doonayaan inay nabad kaga dhigaan Soomaaliya.

“Aad ayaan uga walaac-sannahay muranka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarihiisa, waxaana dalbanaynaa inaan qayb ka noqonno sidii lagu xallin lahaa murankaan, kaasoo ay waddo beesha caalamka,” ayuu Ruto yiri.

Sidoo kale, Ruto ayaa sheegay in beesha caalamku ay dadaal weyn ugu jirto sidii is-faham-waagan u dhexeeya labada mas’uul eeKenya_Slovakia_Somalia_Muran dowladda Somalia lagu xallin lahaa, isla markaana Somalia looga dhigi lahaa meel nabdoon si taasi ay u sahasho in kumannaanka qoxootiga Soomaaliyeed ah ee Kenya jooga dib loogu celin lahaa dalkooda.

“Xaaladda qoxootiga waa mid nagu culus, waxaana ka shaqeynaynaa dalkii ay markii hore ka yimaadeen loogu celin lahaa. Waxaana soo dhaweynaynaa dadaalka uu caalamku ku xallinayo khilaafka siyaasadeed ee jira,” ayuu Ruto ku yiri hadalkiisa.

Dhanka kale, Ruto ayaa ka hadlay ciidamada kaga sugan Somalia, kuwaasoo uu sheegay inaysan doonayn inay ciidamadooda kala baxaan Somalia, balse ay kusii sugnaan doonaan si ay qayb uga qaataan xasilinta Soomaaliya.

“Baaqii ahaa in ciidamadeenna aan kala soo baxno Somalia waa mid aan la ogolaan karin, lamana soo baxayno. Waayo waxay sugayaan ammaanka guud ee xuduudda u dhexeysa labada waddan oo 800-km, si aysan argagaxisadu ugu soo dhuuman,” ayuu Ruto hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Ruto ayaa hadalkiisa ku sheegay inay kala shaqeyn doonaan AMISOM iyo kuwa gobolka sidii Somalia ay u noqon lahayd goob ka madax-bannaan kooxaha uu ugu yeeray argagaxisada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!