Dowladda Kenya oo shaacisay magaca shaqsigii abaabulay weerarka Jaamacada Gaarisa

by admin | Thursday, Apr 2, 2015

Nairobi : HN :–Iyadoo wali uu soconayo howlgalka ciidammada dowladda Kenya ka waddaan Jaamacada magaalada Gaarisa ee gobolka W/bari dalka Kenya, ayeey sheegtay xukuumada Kenya magaca shaqsigii abaabulay weerarka Jaamacda.

Wasiirka arrimaha gudaha Joseph Nkaissery ayaa sheegay in ninka lagu magacaabo Mahamed Kuna oo loo yaqaan [Gamac-dheere] yahay shaqsiga abaabulay weerarkaas.

Dowladda Kenya ayaa horey u sheegtay inay ku raad-joogto Gacma-dheere iyo Cali Imaan oo ay sheegtay inay ka dambeeyaan_82090425_a6e2f49d-59c6-4e6b-9dd6-c7dc55aac9e8 weerarada Kenya ka dhacayey bilihii la soo dhaafay

Dhinaca kale, Ardey ka soo baxsaday Jaamacadda weerarka uu ka dhacay ayaa sheegay in dableyda ay dadka weydiinayeen diintooda, ka ddibna ay tooganayeen dadka Masiixiyiinta ah, iyagoo iska fasaxayey kuwa muslimiinta ah.

Ugu yaraan 500 oo ruux oo u badan arday ayaan la ogeyn halka ay jiraan, iyadoo Al-Shabaab sheegtay inay dad badan afduub ugu haystaan gudaha Jaamacadda Gaarisa.

Hiiraan net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!