Dowladda Kenya oo sheegtay in ay qabatay xubno ka tirsan Al-shabaab

by admin | Thursday, Nov 13, 2014

Nairobi : HN :- Saraakiisha booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in maalintii shalay  ay gacanta ku dhigeen 10-tuhmanayaal ah oo ay ku jiraan Labo haween oo ismiidaamiyaal ah,kuwaasi oo ka tagay dalka Soomaaliya.

Afhayeenka Booliska Kenya Gatiria Mboroki ayaa u sheegay wariyaasha in 10-kan tuhmanayaasha ay ku lug leeyihiin weeraro dhawaatan ka dhacay magaalada Nairobi,isagoona hadalkiisa intaasi raaciyay inay ku dhuumaleysanyeen meelo ka mid ah gudaha Kenya.

Ma cadeyn Booliska Kenya dhalasho ahaan halka sida rasmiga ah kaga soo jeedaan dadka gacanta lagu dhigay ee Labo ka mid ah haween ayHowlgallo-ka-socda-magaaladda-Kampala-iyo-Soomaali-lugu-xir-xiray yihiin,mana bixin faah faahin rasmi ah oo ku aadan xiritaankooda.

Booliska ayaa tuhmanayashan la xiriiriyay inay ka tirsan Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarkii sanadkii tagay ka dhacay xarunta Westgate Mall ee magaalada Nairobi kaasi oo galaaftay nolosha in ka badan 67-ruux.

Dowladda Kenya ayaa dhibaato xoog leh ku qabta weeraro inta badan ug yimaada kooxo hubeysan oo  la sheego in ay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Qaacida ku xirran ee fadhigeedu yahay Soomaaliya Al-shabaab.

Hiiraan Net.       

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!