Dowladda Kenya oo war ka soo saartay dadkii la socday Baska ee la laayay

by admin | Saturday, Nov 22, 2014

Nairobi : HN:–Taliyaha ciidamada booliiska county-ga Mandheera Noah Mwivanda, ayaa sheegay in 28 qof lagu dilay weerarkaas isla markaasna ay oga shakisan yihiin Al Shabaab iney ka dambeyeen balse dadka deegaanka qaarkood, ayaa tilmaamay in rakaab ka badan 30 qof ay ku dhinteen weerarkaas.

Taliye ku xigeenka ciidamada booliska ee ku sugan bariga Mandheera Elvis Korir, ayaa cadeeyay in weerarkaas dadkii lagu dilay ay ka mid ahaayeen askari oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Kenya, wuxuuna intaas ku daray in kooxo hubeysan oo tiradoodu lagu sheegay iney gaareyeen ilaa 100, ay istaajiyeen baabuurkaas markii uu dhaafay deegaanka Carabiya kadibna ay u kala saareen rakaabkii labo qeybood oo kala ah Soomaali iyo kuwa anaan Soomaalida aheyn, ayagoona markaas bilaabay iney madaxa ka toogtaan rakaabkii qaarkood.

Dadkii eheladooda ay saarnaayeen baska la weeraray, ayaa maanta hor dhooban xarumaha baskaas uu ku la leeyahay magaalooyinkaMakka_Bus Naiorbi iyo Mandheera si ay u helaan xogta dhabta ah ee eheladoodu ay ku sugan yihiin.

Dhanka kale, Shirkadda Basaska Makka oo iska laheyd Baabuurka dadka lagu laayay, ayaa sheegtay in 59 qof ay saarnayeen baskaas ayna magacyadooda ku diiwaan galiyeen buugga laga jaro Takidhada lagu raaco baskaas ee yaallo xafiiskooda Magaalada Mandheera.

Ciidamada Booliska Kenya, ayaa sheegay iney baaritaano ku hayaan kooxdii weerarkaas geystay ayna ku daba jiraan, xili maanta la hakiyay qaar ka mid ah baabuurtii u kala safri jirtay magaalooyinka Nairobi iyo Mandheera sidoo kalana dib loogu celiyay baskii saaka la weeraray magaalada Mandheera oo markii hore uu ka soo safray.

Falkaas dil wadareedka ah, ayaa dadkii lagu laayay waxey iskugu jireen Rag iyo Dumar, waxaana ku jiray Macalimiin wax ka dhigo School-da ku yaallo magaalada Mandheera iyo deegaanada hoos tago iyo waliba arday kuwaaso aanan Muslimiin aheyn balse damacsanaa xiliga Kirismiska oo maalmo ay ka harsan yihiin iney la qataan eheladooda oo sugan qeybaha kale ee wadankaas Kenya.

Sannadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa ku badanaayay Kenya wareerada qorsheysan ee lagu eedeyo iney ka dambeyaan xoogaga Shabaabka ee ka dagaallamo Somalia kadib markii 16- October- 2011, ay ciidamda dowlada Kenya gudaha u galeen Somalia.

Weeraradii ugu qasaaraha badnaa ee Kenya ka dhacay waxaa ka mid ahaa Weerarkii lagu qaaday Suuqa Westgate 21- September 2013 oo ay ku dhinteen 71 qof ayna ku dhaawac-meen dad kor u dhaafayay 175 qof.

Weerarkii lagu qaaday deegaanka Mpeketoni oo ku dhow xadka kala baro wadamada Kenya iyo Somalia, ka tirsan gobalka xeebta Kenya oo asna dhacay 15 June 2014, ayna ku dhinteen dad kor u dhaafayay 60 qof, iyo waliba weerarkaan maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Cumar Jilico oo hoos tago magaalada Carabiya ee ayana ka tirsan degmada Lafeey oo dhanka bari ka xigto magaalada Mandheera.

Weerarkaan ayaa sidoo kale ku soo aadaayo ayadoo dhawaan dowlada Kenya ay xirtay Masaajidko ku yaallo magaalada Mombasa kuwaasoo ay ku eedeysay in laga waday falal xag-jirnimo ay ka mid tahay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!