Dowladda Mareykanka oo malaayiin doolar dul dhigtay hogaamiyayaal ka tirsan ISIS

by admin | Wednesday, May 6, 2015

Washington : HN :–Xukuumada Washington ayaa sheegtay inay abaal marin lacageed oo gaareysa 20-milyan oo doollar cidii keenta macluumaadka afar ka tirsan Hogaamiyeyaasha dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya.

Hogaamiyayaashan afarta ah oo lagu kala magacaabo Abd al-Rahman Mustafa al-Qaduli, Abu Mohammed al-Adnani, Tarkhan Tayumurazovich Batirashvili iyo Tariq Bin-al-Tahar Bin al Falih al-‘Awni al-Harzi.

Qaduli oo horay uga tirsanaa Al-Qaacidada Ciraaq ayaa la sheegay inuu hada yahay Sarkaal sare oo ka tirsan Daacish, waxaana madaxiisa la saaray 7-milyan oo dollar.

Sidoo kale waxaa min 5-milyan oo doollar madaxoosa la saaray Adnani iyo Batirashvii, halka Harzi isna saddex milyan la siinayo cidii horjogayalkeenta macluumaad sahleysa in la soo qabto ama la dilo.

Adnani ayaa la sheegay inuu yahay Afhayeenka IS, halka Batirashvili lagu tilmaamay Abaanduulaha dagaalada waqooyiga Suuriya, Harzi ayaa isna la sheegay inuu madax ka yahay qeybta Is qarxinta Daacish.

Hogaamiyeyaashan ayaa ku biiraya barnaamijka abaal marinta cadaaladda Mareykanka ee horay xubno badan oo Al-Qaacida ka tirsan uu Mareykanka lacago mallaayiin doollar madaxooda dul dhigay.

Ururka ISIL oo sidoo kale loo yaqaanno ISIS/Daacish ayaa la dhisay 2004-tii iyagoo ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Suuriya, halkaasoo ay sheegeen in ay ku soo rogayaan ku dhaqanka shareecada Islaamka. Iyadoo xukuumadda Washington ay ku eedeysay kooxdan dambiyo ay ka mid yihiin; ku xadgudub dhanka xuquuqda aadanaha ah, dilal-wadareedyo inay bulshada ka dhaadhiciyaan fikirkooda dagaal, dilalka carruurta, kufsi iyo dambiyo kale.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!