Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay duqeyn ku dilleen saraakiil ka tirsan Al-shabaab

by admin | Wednesday, Feb 4, 2015

Washingto : HN :–Ka dib wada shaqeyn dhexmartay hay’addaha sirdoonka iyo nabad Sugidda Qaranka iyo saaxiibo caalami ah ayaa waxaa 31-Janaayo saacadu markey aheyd 5:00Pm. lagu dilay weerar xaga cirka ah horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, sidda waxaa lagu sheegay war ka soo baxay xukuumada Washington.

Cabdi Nuur Mahdi, oo kooxda Shabaab u taqaanay (Yuusuf dheeg) oo sidoo kale isticmaala magacyo kale, oo ay wehliyeen Horjoogayaal kale ayaa la xaqiijiyay ineey ku geeriyoodeen Duqeyn xaga cirka ah oo ka dhacday meel u dhow dagmada Diinsoor.

Horjoogahan isticmaala magacyada fara daban ee Cabdi Nuur Mahdi, oo kooxda Shabaab u taqaanay (Yuusuf dheeg) ayaa sidoo kale 141203014805_rear_admiral_john_kirby_640x360_apahaa isku duba ridka iyo qorsheeyaha weerarada Gaadmada ah ee gudaha dalkeena iyo waddamo dibadaba lagu qaado, isagoo ahaa maskaxda ay ku duulaan kooxda.

Wuxuu diyaarin jiray qaraxyada isugu jira is qarxdinta isla markaana waxaa sidoo kale la aaminsan yahay inuu ahaa udub dhaxaadka Horjooga yaasha fara ku tiriska ah ee kooxdaas sii burbureysa ee Al-Shabaab ka haray.

Ilaa hada maheyno weerarkaas Duqeynta ah kadib dad shacab ah oo wax ku noqday.

Tani waxey daliil buuxda u tahay Qorshayaasha Hayadaha Amaanka dalka uga dagsanaa ciribtirka iyo Baabi’inta kooxda gabalkeedu sii dhacayo ee Al shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!