Dowladda Masar oo sheegtay in ay baareyso diyaaradii ku bur burtay Soomaaliya

by admin | Wednesday, Oct 14, 2015

Masar : HN :- Dowladda Masar oo markii ugu horeysay ka hadashay diyaar kuwa xamuulka oo ku bur burtay deegaanka Carbiska ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa sheegtya in ay baaritaan dhab ah ku sameyneyso sababihii keenay bur burka diyaarada.

Madaxa duulimaadyada rayidka ee dalka Masar,Maxamuud Zenati ayaa sheegay inay badqabaan dhammaan shaqaalihii sarna diyaaradda,waxuu inta ku darey in koox baarayaal ah oo arrimaha duulimaadyada ku taqasusay ay u soo dirayaal Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan baaritaanka hadda soconayo ee lagu ogaanayo sababihii ay ugu dagtay meel ka baxsan Muqdisho.

20151013635803035734220375DSC07329“Way nabad qabaan dhammaan shaqaalihii sarna diyaaradda ay leedahay sharkad Masaari ah,waxaana la baaraya sababta ay ugu degtey meel ka baxsan Muqdisho,”ayuu u sheegay warbaahinta dalka Masar,Madaxa duulimaadyada rayidka.

Waxaa kalo uu sheegay mas’uulkan in kooxda baraayaasha ah ay xog ka keeni doonaan xaaladda diyaarada iyo heerka uu la egyahay bur burka soo gaaray.

Dhinaca kale,madaxa duulimaadyada rayidka ee dalka Masar,Maxamuud Zenati waxuu shaaca ka qaaday in diyaarada ay ahayd mid xamuul ah balse ay ku timid dhibaato dhinaca farsamada ah,kabtankii duulinayay diyaarada ayaa ku fashilmay in diyaarada uu ku dajiyo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cade taasi oo ku qasabtay in meel ka baxsan uu diyaarada ku dajiyo gaar ahaan deegaanka Carbiska.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!