Dowladda Nigeria oo deegaanno kala wareegtay Boko Haram

by admin | Tuesday, Mar 17, 2015

Abuja : HN :-Ciidamada Militariga dalka Nigeria ayaa sheegay in maleeyshiyaadka Bokoharam ay ka saareen gobolka Waqooyi bari ee Yobe ee dalkaasi Nigeria, iyagoo intaa ku daray in maleeyshiyaadkaasi ay kala wareegeen magaalada Bama ee deriska la ah gobolka Borno.

Afhayeen u hadlay ciidamada difaaca dalka Nigeria oo lagu magacaabo Chris Olukolade ayaa boggiisa Twitterka ku sheegtay in maleeyshiyaadka Bokoharam ay kala wareegeen magaaladii ugu danbeeysay ee gobolka Yobe.

Kooxda Bokoharam ee ka dagaalanta Nigeria ayaa isaga baxay magaaladii labaad oo Istaraatiji ah oo ka tirsan gobolka ay dagaallada140805080306_nigeria_army_512x288_afp_nocredit ba’ani ka dhaceen ee Yobe, waxayna arintaani ka danbeeysay kadib dagaallo xooggan oo dhexmaray ciidamada Nigeria iyo kooxdaasi.

Howlgallada ka dhanka ah maleeyshiyaadka Bokoharam ee ay ciidamada Nigeria ka wadaan dalkaasi ayaa qeyb ka ah dadaallo ay dowladda Nigeria sheegtay in ay ku dooneeyso in ay gacanta ku dhigto kuna xasiliso gobolka waqooyi bari ee dalkaasi Nigeria, kahor inta aan la gaarin xilliga doorashooyinka oo ku began 28-ka bishan.

Maleeyshiyaadka Bokoharam ee ka dagaalama dalkaasi Nigeria ayaa weli gacanta ku haya magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan dalkaasi Nigeria, iyadoo kooxdani ay dhawaan shaaca ka qaaday in ay ku biirtay kooxda ISIS ee la magacbaxday dowladda Islaamiga ah ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!