Dowladda oo beenisay in cudurka Ebola astaamihiisa lagu arkay Soomaaliya

by admin | Friday, Jan 2, 2015

Muqdisho : HN :– Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay inay muhiim tahay in la hubsado wararka idaacadaha qaar iyo website-yada ay qorayaan ee ku aadan in shaqsi Soomaali ah lagu arkay calaamadaha cudurka Ebola, isagoo xusay Dowladda Federaalka ay caddeyneyso in aysan jirin wax caddeymo ah oo la xiriiria arrintaas.

“Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay in aysan jirin caddeymo la xiriira wararka ay idaacadaha qaarkood iyo website-yada qorayaan, Cudurka Ebola waa halis wuxuuna u baahan yahay inaan shacabka Soomaaliyeed lagu abuurin shaki iyo qalqal iyadoo aysan jirin wax caddeyn ah oo arrinkan xaqiijinaya”ayuu yiri Mustaf Dhuxulow

Sii hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo sii hadlayay ayaa yiri “Idaacadaha iyo dhammaan warbaahinta waxaa saaranDhu mas’uuliyad gaar ah oo ku aadan in wararka ay shacabka gaarsiinayaan ay yihiin kuwa la hubo oo dhan walba caddeymahooda laga hayo”

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Wasaarada Warfaafinta ay la xiriirtay idaacadaha qaar ee sheegay warkiisa, ayna raalli gelin ka bixinayaan wararkii ay horay u sheegeen ee been abuurka ahaa, isagoo tilmaamay in Warbaahinta dhabta ah ay tahay tan shacabka Soomaaliyeed u adeegta ee ma ’aha inay shacabka waxaan jirin ku wareeriso.

“Dowladda Federaalka waxey xaqiijinaysaa inaysan jirin calaamado muujinaya cudurka Ebola in dalka laga helay, sidaas daraadeed, shacabka Soomaaliyeed yaan lagu abuurin tashwiish iyo shaki aan jirin, Dowladdu horey bey uga tabaabusheysatay khatarta cudurka Ebola oo dhammaan garoomada diyaaradaha ay joogaan khubaro baaraya dhammaan dadka ka yimaada waddamada Ebola laga helay”ayuu yiri Sii hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta.

Ugu dambeyn Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay in cid alla cidii shaki ka galo ay la socodsiinayaan inay dowladda federaalka gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka ay si toos ah ula soo xiriiraan. Sidoo kale dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaa laga codsanayaa inay Dowladda Federaalka kala shaqeeyaan wax allaale iyo waxii khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ha noqoto cudurada dilaaga ah ama kooxaha argagaxisada ee dhibaateeya shacabka.”

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!