Dowladda oo bilaawday bixinta mishaarka shaqaallaha iyo ciidammada

by admin | Monday, Jul 13, 2015

Muqdisho : HN :– Iyadoo shaqaallaha rayidka ee dowladda Soomaaliya iyo ciidammada intaba siweyn uga cabanayeen mishaar la’aan soo food saartay, ayeey hadda dowladda ku guuleystay in ay bixiso mishaarka shaqaallaha iyo ciidammad.

Maxamuud Xayir Ibraahin oo ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda xukuumadda faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa isagoo saxaafadda kula hadlayay Muqdisho waxuu caddeeyay in si jogta ah ay shaqaalaha dowladda iyo ciidankuba u heli doonan mushaarkooda shanta sanno ee soo socota.

“Dowladda Soomaaliyeed waxaa ay maanta ku guulaysatay inay hesho mushaarad ay siiso shanta sanno ee soo socota shaqaalaha iyobandi ciidamada dowladda,”ayuu yiri Xayir oo sheegay in bankiga adduunka uu ka caawin doona bixinta mushaarka shaqaalaha.

Waxuu ammaanay samarka iyo dulqaadka ay muujiyeen shaqaalaha dowladda,marka waxuu sheegay wali dalka inuu ku jiro dhaqaalo yari,balse hadda lugu guuleystay in la helo mushaarad jogta ah oo ay shaqaalaha helaan.

“Waxan ballan-qaadeyna in shaqaalaha ay heli doonan mushaar jogta ah,”ayuu ku daray hadalkiisa wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda faderaalka.

Dhaqaalaha Soomaaliya oo wali ah mid hooseya iyo awooda dowladda dhexe ayaa sabab u ah inaysan shaqaalaha ka shaqeeya xarumaha dowladda aysan helin mushaar ay ku shaqeeyaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!