Dowladda oo dalbatay in maxaabiista burcad badeeda ah dib loogu soo celiyo dalka

by admin | Tuesday, Oct 21, 2014

Nairobi : HN :– Dowladda Soomaaliya ayaa dalbaneysa ama ku howlan siddii dalka dib loogu soo celin laha 122 maxaabiis burcad badeed Soomaaliyeed ah oo ku xirran magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Maxaabiistan ayaa badankood waxa ay ku xiran yihiin xabsiga Mombasa Shimo la Tewa, iyadoo laga deyrinayo xaaladooda nololeed.

Safiirka Soomaaliya dalka Kenya Maxamed Cali Nur oo wareysi siiyay idaacada Ergo ayaa sheegay in haddii heshiis laga gaaro maxaabiistan ku xiran xabsiga Shimo la Tewa ay ku dhamaysan doonaan sanadaha ugaga haray xukunkooda xabsiyada ku yaal dalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah maxaabiistan ayaa waxa ay ku xukuman yihiin inta u dhexeysa 5 illaa 20 sano, waxayna maxaabiistan codsadeen in loo wareejiyo dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

“Waxaan ku booqday xabsiga maxaabiista qaar ka mid ah waxa ay qabaan dhaawacyo rasaas ah oo qalliin ayay u baahan yihiin sidooAmeriko kale waxaa jira qaar qaba dhaawacyo ka soo gaaray inta ay badaha ku jireen halka kuwa kalana ay la xanuunsanayaan cuduro ay ka mid yihiin sokorowga iyo dhiig-karka,”ayuu yiri safiirka Soomaaliya oo ka warbixinayay xaalada ay ku sugan yihiin maxaabiista ku xiran xabsiga ku yaal Mombasa.

Safiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii ay heshiis ula geli lahayd dowlada Kenya. Qaar kamid ah waalidiinta maxaabiista ku jirta xabsiyada ku yaal Mombasa ayaa cadaadis ku haya safaarada ay Soomaalida ku leedahay dalka Kenya sida ay daabacday standard digital.

 

 Hiiraan Net

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!