Dowladda Jabuuti oo ciidammo kale ku biirisay howlgalka AMISOM

by admin | Friday, Feb 13, 2015

10Beledweyne : HN :–Gadiid hor dhac u ah qaybtii labaad ciidan ka socda dalka Jabuuti oo ka mid noqonaya AMISOM ayaa maanta gaaray xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

Waxaa gadiidkan militaria ku soo dhaweeyay xarunta AMISOM ee gobolka Hiiraan, maamulka gobolka, iyo saraakiisha ciidammada midowgga Africa ee ka kala socda dowladdaha Jabuuti iyo Itoobiya.

IMG_0741Cabdifitaax Xassan Afrax guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan oo la hadlay warbaahinta xilli uu ku sugnaa xarunta taliska AMISOM ayaa sheegay in ka mamul ahaa siweyn u soo dhaweynayaan ciidammada dheeraadka ah ee ka socda dalka Jabuuti, kuwaa oo ku biiri doona ciidamadii horay u sii joogay gobolka.

IMG_0744Col Cismaan Dubad taliyaha ciidammada Jabuuti ee gobolka Hiiraan ayaa dhinaciisa sheegay in agabka militari ee maanta soo gaaray, hor dhac u yihiin ciidammo ka socda dalka Jabuuti oo intooda badan la fillayo in maalinta bari ah soo gaaraan gobolka, isaga oo intaa ku darray dadka Soomaaliyeed faraxad-weyn u tahay in arkaan ciidammo ay kula hadlli karaan afkooda u soo gurmanaya.

”Dabcan waxaa hubaal in ah dadka Soomaaliyeed ku faraxsan yihiin joogitaanka ciidamada ka socda Jabuuti, laakiin dhinaca kale waxaa ka naxaya arrintaa cadawgga oo aan ogoleyn in dhibaatada maanta jirta laga baxo,” ayuu yiri Col Cismaan Dubad.

7Tirada ciidamada dheeraadka ah ee la fillayo in ay ku soo biiraan howlgalka AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan illaa 1000 askari oo dhamaantood ka socda dalka Jabuuti.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti oo ka qeyb qaadanaya howlgalka AMISOM ayaa horay ugu sugnaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxayna wax badan ka qabteen nabadgelyada, dhismaha ciidamada, arrimaha caafimaadka iyo bini’aadannimada.

4Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!