Dowladda oo ka hadashay mowqifkeeda maamulka dhawaan looga dhawaaqay Ceelbarde

by wadani | Monday, Dec 28, 2015

Muqdisho : HN : –Iyadoo dhawaan degmada Ceelbarde looga dhawaaqay maamul lagu magacaabo Bakool sare oo sidda la sheegay ka go’ay maamulka Koonfur galbeed, ayaa waxaa markii ugu horeysay arinta ka hadashay dowladda Soomaaliya oo cadeysay mowqifkeeda maamulkaa laga dhisay Ceelbarde.

Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Max’ed Xusseen Odawaaastaanta-qaranka ayaa warbaahinta u sheegay in dhismaha maamlkaas waxba kala socon dowladda dhexe, isaga oo meesha ka saaray in uu jiro maamul aan aheyn kan koonfur galbeed oo ka jira deegaannada Bay iyo Bakool.

Wasiirka ayaa intaa ku darray in marnaba ay iman karto tabasho iyo in dadka deegaannada ay ka jiraan maamulada federaalka ah ku qanci waayaan habka saami qeybsiga, hassea ahaatee loo baahan yahay in xalinta arintaa loo maro wadiiqo kale oo aan aheyn in la sameeyo wax aan sharciga waafaqsaneyn.

Ugu danbeyntii, wasiir Odawaa ayaa sheegay in madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed kala hadli doonaan cabashada dadka deegaannadaa ku dhaqan iyo siddii loo sixi lahaa.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!