Dowladda oo laga dalbaday in ay ciidammo ammniga suga geyso degmada Qoryooley

by admin | Thursday, Aug 20, 2015

Qoryooley : HN :–Maamulka Degmada Qoryoole oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ka codsaday in ciidammo suga amniga ay geysto degmadaas.

Gudoomiyaha degmada Qoryooley, Max\ed Xaaji Cismaan ayaa u sheegay warbaahinta in degmada ay joogaan ciidammo deegaanka ah iyo kuwa AMISOM, balse aysan meesha joogin ciidamada dowladda Somalia.

Sidoo kale, wuxuu xusay in Amniga degmada ay hadda si Wadajir ah u sugayaan ciidammada deegaanka oo kaashanaya kuwa midowgaCiidamada_Dowladda_Afgooye Afrika ee AMSIOM, Balse loo baahan yahay in dowladda Somalia ay ciidammo amniga xaqiijisa geysto.

“Ciidamadii Millateriga ahaa ee Dowladda Somalia oo horay u joogay degmada Qoryooley mar hore ayay degmada isaga baxeen, waxaana Dowladda FS ka dalbanaynaa in Ciidammo ay degmada keento. Annaga ayaa sameynay ciidammo deegaanka ah, kuwaasoo AMISOM la shaqeeya,” ayuu yiri Gudoomiyaha Qoryooley.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Qoryooley ayaa xusay in xaalad caafimaad-darro ay ka taagan tahay degmadaasi, kaddib markii Hay’adihii Gargaarka ay ka baxeen degmadaas.

Ugu dambeyn, Wuxuu tilmaamay in dhibaatada ugu weyn ee degmada ka taagan ay tahay in Waddooyinkii soo galayay Degmada ay amni-darro ka taagan tahay, taasna ay keentay in la waayo cid dawo keenta Isbitaalka degmada Qoryooley.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!