Dowladda oo loogu baaqay in ay wax ka qabato dilalka joogtada ah oo ay ciidammada AMISOM..

by admin | Sunday, Aug 2, 2015

Muqdisho : HN :– Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa loogu baaqay in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan wax uga qabto dilalka joogtada ah ee ciidammada AMISOM ay ku hayaan dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose.

Maalintii maalin ka hor ayeey aheyd markii ciidammada midowgga Africa AMISOM ku dilleen magaalada Marka lix ruux oo isku qoysAMISOM_Force_Somalia ahaa oo ay ku jirraan afar wiil oo walaalo ah iyo Abahood, kaddib markii sidda la sheegay ay baaris u soo galleen gurigii ay dadkaasi ku sugnaayeen.

Muxiyadiin Max’ed Xaaji oo horay Wasiiirka Gaashaandhiga uga soo noqday xukuumaddii Nuur Cadde ayaa sheegay in aan la maqli karin waxa ka dhacaya Marka, waxaana uu ugu baaqay dowladda inay arrintaas wax ka qabato.

“Wax la dhageysan karo ma ahan waxa ka dhacaya Marka, Ciidamada AMISOM ayaa dhibaatooyin iyo tacadi ku haya dadka shacabka ah ee masaakiinta, waxay si bareer ah rasaas ugu harqiyeen dad masaakiin ah”ayuu yiri Muxiyadiin Maxamed Xaaji oo ka soo jeeda Gobolka Shabeellaha Hoose.

War-saxaafadeed maalintii shalay ka soo baxay taliska ciidammada AMISOM ayaa lagu sheegay in ay baarayaan wixii ka dhacay maalin ka hor magaalada Marka, iyadoo dadka deegaanka ay ku eedeeyeen Ciidamada halkaas ku sugan inay si bareer ah ay rasaas ugu fureen dadka shacabka ah,

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!