Dowladda oo qabtay madaxii amniyeedka Al-shabaab ee gobolka Banaadir

by wadani | Monday, Jun 19, 2017

Muqdisho : HN :-Wasiirka amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay Madaxii Amniyaadka Shabaab ee magaalada Muqidsho ee caasimadda Soomaaliya, kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in la soo bandhigi Sarkaalkan ka tirsanaa Shabaab ee magaalada Muqdisho lagu qabtay.

Saraakiisha Ciidanka NISA ayaa sheegay hawlgal qorsheysan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho in lagu beegsaday Sarkaalkan, waxaana hada ku socota baaris.

 Dowladda Soomaaliya ayaa sare u qaaday xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho oo ciidamo la soo dhigay dhamaan Isgoysyada ku yaalla Bartamaha caasimadda.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah