Dowladda oo sheegtay in ay diyaar u tahay sii socoshada wadahadala ay la leedahay Somaliland

by admin | Sunday, Mar 8, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay in la sii wado wada hadalada iyaga iyo Maamulka Somaliland.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo looga hadlo todobaad kasta waxqabadka dowladda ayaa lagu sheegay in nasiib daro aheyd in wafdiga ka socday Somaliland inay ku guuldareysteen inay soo fariistaan madasha wada hadalka

“Dowladda Federaalka waxay magaalada Istanbul u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen {Odowaa,} ayna xubno kayihiin Wasiirro, Xildhibaanno iyo xubno sare oo farsamo. Waxaa nasiib darra noqotay in wafdiga ka socda Somaliland uu ku guuldarreystay in uu soo fariisto madasha wadahadalka, isagaoo la soo baxay shuruurdo la xiriira dadka dhinaca Soomaaliya matali kara”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta.

Waxaa siddoo kale warXayir-Maareeye-saxaafadeedka lagu sheegay in labada dhinac ee wada hadlaya aanu midna xaq u laheyn in midka kale u yeeriyo cidda ay tahay in ay matasho.

“Wafdiga Dowladda Federaalka oo shirka la yimid niyad wanaag, soomaalinnimo, wuxuu caddeynayaa in Ergada Somaliland ay keligeed mas’uul ka tahay in uu qabsoomi waayay shirkani, Dowladda Federaalka iyada oo mar walba u taagan midnimada Soomaaliya, waxay caddeyneysaa in ay diyaar u tahay wada hadal shuruud la’aan ah oo dan u ah Midnimada iyo horumarinta shacabka Soomaaliyeed oo fool-ka-fool la isu soo hor fariisto”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maareeye.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo u sheegayaa inaan laga quusan doonin wada-hadallada, waa sii socoon doonnaan”ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiirka Warfaafinta oo war saxaafadeedkiisa todobaadlaha uga hadlayay warbixinta dowladda.

Maamulka Somaliland ayaa diiday inuu soo hor fariisto wafdigii dowladda u matalayay wada hadalada, kadib markii uu sheegay inay ku jiraan xubno ka soo jeeda deegaanadooda, taasna ay tahay mid aanay aqbaleyn.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!