Dowladda oo sheegtay in ay guddi u saartay fatahaad wabiga Shabeellaha iyo Jubba

by admin | Wednesday, Oct 21, 2015

Muqdisho : HN :–Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in si dhaqso ah looga jawaabayo fatahaadda ay sameeyeen labada wabi ee Shabeelle iyo Jubba,kuwaaso mara gobollada ku yaalla koonfurta dalka.Carte

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda faderaalka ah ee Soomaaliya,Maxamed Cumar Carte ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in la magacaabayo guddi wax ka qabanaya khasaraha laga digayo ee ka dhalan kara roobabka ka da’aya dalka.

“Waxaan si deg deg ah ku magacaabeyna guddi ka shaqeynaya wax ka qabashada khasaraha ka dhalan kara fatahaadda wabiyada iyo roobabka ka da’aya dalka,”ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka.

Waxuu faray shacabka inay ka fogaadan dhulka ku dhow wabiyadda si ay u yaraato khatarta ka dhalan karta fatahaadda ay sameeyaan oo xooggeysata,waxaana roobab ka da’ay deegaanno ka tirsan dhulka uu maro wabiga Shabeelle la sheegay inuu ku fatahay,markii uu buux dhaafay.

Qaramada Midoobay ayaa horay war uga soo baxay waxaa looga digey roobabka ka da’aya Soomaaliya oo noqon kara kuwaso khatar dhaliya,walow ay xilligan xukuumadda ku dhawaaqdey in laga hortagi doono xaaladdaha ka dhalan kara roobabka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!