Dowladda oo sheegtay in ay jiraan dalal doonaya in ay maal-gashadaan Soomaaliya

by admin | Friday, Oct 24, 2014

Muqdisho : HN :– Wasiirrka wasaarrada arrimaha dibada iyo maalgashiga dowladda Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beylle

ayaa sheegay inay soo kordhayaan wadamada iyo shirkadaha doonaya inay Soomaaliya maalgashi ku sameeyaan.

Wasiirrka oo la hadllayay warbaahinta ayaa sheegay in dalalkii uu booqashada ku tagay ay u soo bandhigeen dalab ah inay Soomaaliya maalgashadaan.

“Caalanka waxaa uu ka warqabaa in wadankani yahay mid leh kheyraad badda iyo berriba ah, in amnigii wadankani soo hagaagayo ayaabyl cid walba u muuqata, waxaad arkeysaa dalal fara badan oo daneynaya inay wadankan maalgashi ku sameeystaan”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dalal fara badan ay dib uga furteen Soomaaliya Safaaradahooda, isla markaana ay xigto in maalgashadaan, maadaama uu soo hagaagayo ammaanka dalka.

“Dalka waxaa ka jira fursado maalashi ah, wadamo iyo shirkado badan waxay u soo hanqal taagayaan inay Soomaaliya maalgashadaan”ayuu hadalkiisa ku sii daray Dr. Beyle.

Shir looga hadlayay gaaska iyo shidaalka Soomaaliya oo lagu soo gaba gabeeyay magaalada London ayaa qeybta ugu weyn ee shirkaas ahaa sidii Soomaaliya loo maalgashan lahaa, iyadoo shirkado badan ay soo bandhigeen damacooda ku aadan inay maalgashadana Soomaaliya.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!