Dowladda oo sheegtay in aysan helin lacagihii ay Turkiga u ballanqaadeen

by wadani | Saturday, Jul 15, 2017

Muqdisho : HN :-Wasaaradda maaliyadda ayaa maanta shaaca ka qaaday in muddo saddex bilood aanay qasnada dowladda ku soo dhicin lacagihii uu ballan-qaaday Turkiga ee loogu tala galay kabka miisaaniyadda.

Cabdiraxman Ducaale Beyle, wasiirka maaliyadda oo maanta Baarlamaanka hortagey ayaa su’aalo laga weydiiyay miisaaniyada sanadka ayaa sheegay in aanay jirin wax kaalmo lacageed oo dibadda ka timid.

“Saddex bilood ma bixin Turkiga lacagtii laga sugayay, waxay dhaheen labo milyan iyo bar ayaa bixineynaa, walina nama soo gaarin.” ayuu yiri wasiirka maaliyadda.

Turkiga ayaa horey si iskiis ah ugu ballan-qaaday dowladda Soomaaliya inuu ugu deeqi doono bil walba labo milyan oo doollaarka Marekanka ah,lacagaha oo loogu tala-galay in lugu kabo miisaaniyadda dowladda.

Ilaa hadda ma jiro hadal Turkiga ka soo baxay oo lugu faah faahinayo,sababaha loo hakiyey lacagihii ay dowladda Soomaaliya u ballan-qaadeen.

Gabagabadii,wasiirka maaliyadda waxaa kalo uu baarlamaanka ka hor sheegay markii su’aal laga waydiiyay,halka ay dowladda ka hesho mushaaradka ciidamada,wuxuu sheegay dadaalka dowladda inuu yahay sidii looga kaftoomi lahaa lacagaha deeqda ah,wuxuuna marka sheegay ilaa bishii bishii February ee sanadkan in ciidamo heleyeen mushaarad joogta ah.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah