Dowladda oo sheegtay in bisha Maarso ee sanadka danbe la soo gabagabeynayo dib u eegista dastuurka

by admin | Tuesday, Nov 10, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka Dasuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa xusay in dib u eegista lagu sameynayo dastuurka KMG ah ee dalka uu meel wanaagsan marayo,  isla markaana uu ku rajo weynyahay in dhawaan la soo gabo gabeyn doono.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Guddiga Maxada banaan ee dib u eegista dastuurka ay soo gudbiyeen cutubyo ka tirsan dastuurka, kuwaasi oo kala ah koowaad iyo afaraad oo ay turxaan bixin ku soo sameeyeen, 30-ka bisha Maarsana guud ahaan la soo gabo gabeyn doono.

2015423635653904672775111IMG_2666“Waxaan balan qaadeynaa in 30-ka Maarso ee sanadka cusub dastuurka la soo gabo gabeyn doono oo aan baarlamaanka horgeyn doono, si ay ugu codeeyaan, howsha dib u eegista meel wanaagsan ayay mareysaa, Wasaaradda dastuurka, baarlamaanka iyo Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka, wada shaqeyn ayaa ka dhexeysa” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in dastuurka marka dib u eegis lagu sameeyo ay go’aanka ugu dambeysa leeyihiin bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in marka la gaaro xilliga ugu haboon loo qaadi doono Afti dadweyne, inta ka horeysana ay sii joogteyn doonaan la tashada ku saabsan dib u eegis lagu sameeyo cutubyo ka tirsan dastuurka.

Shalay ahayd markii Guddiga Madaxa banaan ee dastuurka ay Guddiga baarlamaanka ee dastuurka u qaabilsan ku wareejiyeen labo cutub oo ay wax ka badal ku soo sameeyeen, kuwaasi oo kala ahaa cutuyada koowaad iyo afaraad, iyagoo guddiga lagu wareejiyay cutubyo kale oo kala ah 1aad, 3aad iyo shanaad si ay dib u eegis ugu soo sameeyaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!