Dowladda oo sheegtay in duqeyntii Saakoow lagu dillay sarkaal ka tirsan Al-shabaab

by admin | Tuesday, Dec 30, 2014

Jubbada dhexe : HN :– War maanta ka soo baxay hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa lagu sheegay in weerarkii duqeynta ahaa ee dowladda Mareykanka ay ka geysatay Saakoow lagu dillay sarkaal ka tirsan Al-shabaab.

Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay, C/shakuur, inkastoo hay’adda sirdoonka ay sheegtay in Al-shabaab ay gudahooda uga yaqaanneen Tahliil, kaasoo ay ku bedeleen sida warka lagu sheegay Zakariya Ismaaciil oo dowladda isku soo dhiibay.

Sidoo kale war-saxaafadeed ayaa lagu xusay in sarkaalkan weerarka duqeynta cirka ah lagu dilay ay la geeriyooday laba qof oo hoggaamiyeyaal ciidamada Al-shabaab ka  tirsanaa, kuwaasoo aan magacyadooda la sheegin.

Dhinaca kale, waxaa soo baxayay warar sheegaya in hay’addu waxay xustay in wararka sheegaya in Zakariye IsmaaciilTuur-yare_Nabad_sugidda_Qaranka uu u gacan-galay dowlad kale ay yihiin kuwo been ah, iyagoo sheegay in Zakariye uu ku jiro gacanta hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, hay’addu waxay warkeedan ku sheegtay inay saacadaha soo socda ay kasoo saari doonta warbixino dheeraad ah Zakariye Ismaaciil oo ka mid ahaa Al-shabaab, maalin ka horna isku soo dhiibay dowladda Somalia.

Si kastaba ha ahaateen, weli Xarakada Al-shabaab kama aysan hadlin wixii khasaare ah ee kasoo gaaray weerarkii diyaaradeed ee xalay uu Mareykanku ka geystay tuulada Jawaarey oo ku dhow degmada Saakow.

Mareykanka ayaan isaguna weli ka haldin khasaaraha ka dhashay weerarka, iyadoo afhayeen u hadlay Pentagon-ka uu sheegay inay baaritaanno dheeri ah ku hayaan sidii ay u ogaan lahaayeen khasaarihii ka dhashay weerarkaas.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!