Dowladda Shiinaha oo sheegtay in ay taageero siineyso dowladda Soomaaliya

by admin | Thursday, Apr 2, 2015

Muqdisho : HN :–Dowlada Shiinaha ayaa si cad u sheegtay inay xoojin doonto taageerada ay siiso dalkeena,sida waxaa sheegay safiirka dalka u jooga magaalada Muqdisho.

Xilligan waxaa uu sheegay safiirka Soomaaliya u jooga dalka Shiinaha inay ugu deeqen dowladda faderaalka lacag dhan 13 Milyan,si wax loogu qabto mashaariicda lagu hormarinayo dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo safiirka dowladda Shiinaha u17 fadhiya Soomaaliya Wei Hong Tian ayaa ka hadlay munaasabad lagu qabtay Muqdisho, iyagoo kuwada saxiixday heshiis hor leh oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo horumrinta Soomaaliya.

Cabdisalaam Hadliye Cumar ayaa sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer, isagoo xusay in Shiinuhu uu ka go’an yahay inay Soomaaliya gacan ka siiso dhammeystirka dadaallada ka socda dalka.

Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wei Hong Tian ayaa sheegay in lacagta ay ugu deeqeen Soomaaliya wax looga qaban doono arrimaha dib u dhiska, caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha iyo horumarrada kale, isagoo xusay in dowladdiisa ay mar walba daneyneyso sidii ay u garab istaagi laheyd Soomaaliya.

Shiinaha waxaa uu ka mid yahay dalalka sida dhow ula socda xaaladda Soomaaliya,kuwaaso ka caawiya dowladda hadda jirta arrimaha horumarinta iyo amniga.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!