Dowladda Soomaaliya Ahlu Sunna oo ka wada hadllay xaalada nabad-galayo ee gobollka Galguduud

by Somali | Tuesday, Mar 5, 2013 | 25 views

DhuusoDhuusa-mareeb : HN : Iyadoo maalintii shalay uu gaaray magaalada Dhuusa-mareeb wafdi balaaran oo uu horkacayo ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax ayaa wararka ka soo baxaya gobollka Galguduud waxaa ay sheegayaan mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha Ahlu Sunna Waljameeca ka wada hadlleen amniga gobollka.

Guddoomiyaha gobollka Galguduud ee dowladda Soomaaliya Axmed Yuusuf Ciyoow ayaa warbaahinta faah faahin ka siiyay kulama ay wada qaateen mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha maamusha gobollka Galguduud.

Axmed Yuusuf ayaa waxa uu sheegay in diiradda lagu saaray kulanka sida loo horumarin lahaa gobolka ciidamadana loo xareen lahaa sidoo kalana Al-shabaabb looga sifayn lahaa gobolkaasi.

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya oo maalintii shalay ka hadllay fagaaro ay isugu soo baxeen dadka degmada Dhuusa-mareeb ayaa sheegay in dowladda shacabka ku dhaqan gobollka Galguduud kala shaqeyn doonto amaanka.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdiga la socday ayaa lagu waramayaa in ay tagi doonaan deegaanno kale oo ka tirsan isla gobollka Galguduud.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!