Dowladda Soomaaliya oo aqbashay in haweedeeda laga weeraro xuudiyiinta Yaman

by admin | Tuesday, Apr 7, 2015

Muqdisho : HN :–Xukuumada Soomaaliya ayaa ogolaatay in xulufada ay hogaamineyso dowladda Sacuudiga isticmaallaan haweedeeda iyo badda, si ay halkaa uga weeraraan xoogagga talladda dalkaas la wareegay ee xuudiyiinta.

C/sallaan Cumar Hadliye wasiirrka arrimaha dibada Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in ay qaateen siyaasad cad oo ku wajahan in Xaalada Yemen, iyagoo ka soo horjeeda in xoog lagu bedelo dowladda sharciga ah.

“Anaga waxaa nahay Wadan ka mid ah Jaamacadda Carabta, waxaa qaadanay siyaasad ay dalalka Jaamacada Carabta qaadanayeen,hadliye anaga waa ka soo horjeednaa meel walba oo ay tahay xukun lagu kala bedelo xoog, Yemen waa sida wadankeena oo kale”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay inay ogol yihiin in la isticmaalo hawada, dhulka iyo Badda Soomaaliya, hadii loo baahdana la isticmaalo karo sida uu yiri.

Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in Soomaaliya oo bur bursan ay is bedeshay lix dowladood oo si sharci ah ku kala wareegay, isla markaana aanay aqbaleyn in dowladda Yemen ee sharciga ah in xoog lagu bedelo.

Mar la weydiiyay sida lagu bad baadin karo qaxootiga Soomaalida ee ku xayiran Yemen, ayuu sheegay inay raadinayaan xal ah sidii dadkaas maraakiib lagu soo daad-gureyn lahaa.

Isbaheysiga wadamada Khaliijka ee uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa duqeymo ka dhan ah Jabhadda Xuutiyiinta ka wada dalka Yemen, iyadoo jabhadan ay isku dayayaan inay la wareegaan dalka oo dhan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!