Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay fara–galinta Sweden ee Sa’ud Arabiya

by admin | Tuesday, Mar 24, 2015

Muqdisho : HN :– Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa cambaareyn u jeedisay Sweden oo ka mid ah dalalka dhanka dhaqaalaha ka caawiya; iyadoo ku eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha dalka boqortooyada Saudi Arabia.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hab-dhaqankan uu mamnuuc ka yahay xeerarka siyaasadeed ee caalamiga ah; iyadoo dowladda Somalia ay ugu baaqday dowladda Sweden inay dhowrto madax-bannaanida Sucuudiga.

“Ahmiyadda ugu horreysa ayaa ah in la xushmeeyo xorriyadda iyo qaabka ay dowladuhu u sameynayso hannaankeeda dowladnimo,astaanta-qaranka iyadoo aan wax fara-gelin dibadbadeed ah lagu sameynayn,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladdu ay soo saartay.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tani ay tahay mabaadii’da aasaasiga ah ee caalamku leeyahay, waana sida Soomaaliya ay rajaynaso inay u dhaqmaan dhammaan dalalka xubnaha ka ah bulshada caalamka.

“Diinteenna Islaamka waa diin barako; waxayna shacabka u keentay inay ilaaliso sharafta iyo xoriyadda dhammaan bani’aadamka,” ayaa mar kale lagu yiri warka ay dowladdu soo saartay.

Ugu dambeyn, dowladda Saudi Arabia iyo hannaankeeda garsoorka waxay ka dhidhinayaan arrimahan oo kale, ma ahan dadka iyo Sucuudiga oo keliya balse waa dhammaan dalalka Islaamka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!