Dowladda Soomaaliya oo gargaarkeedii ugu horeeyay gaarsiisay degmada Baraawe

by admin | Friday, Oct 24, 2014

Baraawe : HN :– Degmada Baraawe oo ka mid ah degmooyinkii ugu danbeeyay ee laga saaray Al-shabaab ayaa markii horeeyay waxaa deeq gargaar ah gaarsiisay dowladda Soomaaliya.

Gadiid sidda raashin gargaar ah ayaa shalay gaaray Baraawe, iyadoo intii gaadiidkaas la soo waday ay ammaankiisa sugayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Qeybinta raashinka mucaawinada ayaa maanta ka bilaabatay Baraawe, waxaana Mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha oogargaarkii-iyo-booqashadii-amanda-ee-soomaaliya22 wax ka waday mucaawinada ay ka qeyb qaadanayaan qeybinta raashinka.

Raashinkan ayaa isugu jira Bur, bariis, saliid, waxaana horay u balan qaaday Wasaarada Arrimaha Gudaha oo sheegtay in meelaha lagala wareegay Al-Shabaab la gaarsiin doono gargaar.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Baraawe ayaa sheegay in ammaanka uu yahay mid wanaagsan, isla markaana dadka deegaanka ay si siman ugu qeybin doonaan raashinkan gargaarka ah.

Dhinaca kale Raashin mucaawino ah ayaa maanta la gaarsiiyay degmada Cadale oo ka mid aheyd deegaanadii u dambeeyay ee Al-Shabaab laga saaray, waxaana horkacayay raashinkaas Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!