Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay cabashada muruq-maalka dekeda Muqdisho

by admin | Monday, Sep 22, 2014

Muqdisho : HN :– Yuusuf Macalin Amiin Baadiyoow wasiirrka gadiidka badda iyo dekedaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inaysan jirin shaqaale weyn doona shaqooyinkooda oo ka mid ah kuwa dekeda weyn ee magaalada Muqdisho kadib markii shalay dekeda lagu wareejiyey shirkad Turki ah.

Baadiyoow ayaa sheegay in shirkada Al Beyrak ee laga leeyahay wadanka Turkiga loogu dhiibay maamulka dekeda magaalada Muqdisho si ay u hagaajiso dib u dhiska dekeda iyo hagaajinta waaxyaha dekeda ee xagga dhismaha iyo qalabka intaba.

“Ma jirto shaqaale la ceyrin doono oo shaqooyinkooda weyn doonaa.” ayuu yiri wasiirka oo cadeeyay in shirkada Al Beyrak ay la wareegeyso si rasmi ah maamulka dekeda.

Dhowaanahan ayaa waxaa socday mudaaharaadyo ay wadeen shaqaalaha dekeda Muqdisho iyo xoogsatada ka xamaalata dejinta620x413xdekada_muqdisho.jpg.pagespeed.ic.dPauEK7dcw maraakiibta kuwaasoo sheegay in shirkadan cusub ee la wareegtay dekeda ay soo rogtay dhimis shaqaalaha 5,000 kor u dhaafaya ee ka xoogsada Dekeda Xamar.

Shaqaalaha ayaa beryahan waday cabashoyinkan iyagoo u ololeynayey in la joojiyo in dekeda loo dhiibo shirkaan ajnabiga ah oo ay ku eedeeyeen inay shaqaale Turki ah ka keeneyso wadanka Turkiga.

Maalintii shalay ayaa xaflad lagu qabtay gudaha dekeda Muqdisho waxaa lagu shaaciyey in maamulka dekeda lagu wareejiyey shirkadda Al Beyrak, taasoo qaadan doonta 45% dakhloga dekeda ka yimaada oo ay ku bedeleyneyso maalgelinta ay ku sameyneyso dib u qalabeynta iyo dayactirka dekeda halka dawlada Soomaaliya ay qaadan doonto 55% dakhliga soo xarooda illaa 25 sano inta laga dhameynayo deynta maalgelinta ee Al Beyrak ay ku bixineyso dekeda.

Hiiraan Net,.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!