Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay wada hadallada u furay Itoobiya iyo ONLF

by wadani | Thursday, Feb 15, 2018

Muqdisho : HN :-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wadahadalka maalamahan socda ee u dhaxeeya Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya iyo Jabhada lagu magacaabo ONLF.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay wadahadal kasta oo keenaya Nabad, Xasilooni iyo Wanaag in ay soo dhaweynayaan oo ay taageerayaan.

“Annaga waxaan u arkeynaa Wadahadal kasta oo Nabad, Xasilooni iyo Wanaag u keenaya Gobolka, faa’iidana u leh waan soo dhaweyneynaa, waana taageereynaa.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Nairobi dalka Kenya  ee la xiriira wadahadalkan ayaa waxa ay ku waramayaan in dhinacyadan qodobada qaar ay isku fahmi la’yihiin shirkana uu qarka u saaran yahay inuu hakad galo.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!