Dowladda Soomaaliya oo ku dadaaleysa siddii Ahlu Sunna looga qeyb-galin lahaa dhismaha M G/dhexe

by admin | Tuesday, Jun 23, 2015

Cadaado : HN :–Dowladda Soomaaliya ayaa xiligan ku howlan siddii loo qancin lahaa xoogagga Ahlu Sunna Waljamceen ee dhawan la wareegan gacan ku heynta degmada Dhuusa-mareeb ee loo asteeyay in ay noqonto xarunta maamulka gobollada dhexe.

Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Max’ed Xusseen Odawaa ayaa sheegay in in ay jiraan kulamo durbaba u soconaya mas’uuliyiint dowladda iyo hogaanka Ahlu Sunna Waljameeca.

Wasiirrka ayaa sheegay in 15-kii bishan uu tegay magaalada Dhuusa-mareeb islamarkaana uu halkaasi wadahaodawaa2dallo kula soo yeeshay maamulka Ahlusuna, kuwaasoo socday ilaa 18-ki bishan.

Wasiirka arrimaha gudaha waxaa kalo uu sheegay inyy rajo wanaagsan ka qabo wadahadalladaasi inay taabbo gal noqdaan ayna ka soo baxaan natiijooyin wanaagsan oo soo afjari kara dhibaatooyinkii ka dhacay gobolladaasi.

Waxuu ugu baaqay qeybaha bulshada ee gobollada dhexe ineey gacan buuxda ka geystaan hirgelinta maamulka loo dhisayo Mudug iyo Galgaduud, wuxuuna ku boorriyay iney taageeraan nabadda iyo horumarka goolka.

Ahlusunna Wal-jamaaca ayaa dhawaan sheegtay inaysan aqoonsaneyn xildhibaanno loo soo xulay baarlamaanka maamulka gobollada dhexe,qar ka mid ah musharrixinta maamulka ayaana ku baaqay ururka in lugu soo daro qorshaha maamulka lugu dhisayo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!