Dowladda Soomaaliya oo la wareegtay maamulka hawadeeda

by admin | Wednesday, Dec 17, 2014

Muqdisho : HN :– Saciid Jaamac Qoorsheel oo ah wasiirrka wasaarrada duulista hawadda dowladda ayaa sheegay in si rasmi ah dowladda Soomaaliya loogu wareejiyay maamulka hawadda.

Wasiirrka oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay kulamo uu la soo qaatay Hey’adda ICAO ee qaabilsan maamulka duulimaadyada iyo Saadaasha hawada, waxaana uu xusay inuu heshiis buuxa laga gaaray maamulka Hawada Soomaaliya.

“Waxaan safar shaqo ah aan ku tagay dalka Canada, gaar ahaan magaalada Montreal oo ah xarunta laga maamulo diyaaradaha, waxaanQoorsheel dadaal xoogan u galnay sidii maamulka hawada uu gacanta dowladda Soomaaliyeed uga soo noqon lahaa, gaba gabadii 4-tii bishan ayaa dib loo soo celiyay”ayuu yiri Saciid Jaamac Qoorsheel.

Saciid Qoorsheel ayaa sheegay in dhowaan la dhameystiri doono dhismaha Taawarka cusub, oo uu xusay in bilaha soo socda la soo gaba gabeyn doonaan, waxaana uu intaa ku daray in shaqaalaha aqoonta u leh ay ka shaqeyn doonaan.

Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa laga hagayay dalka Kenya, halkaasoo xafiis ay leedahay ICAO ay ku maamuleysay, waxaana hadii dowladda Soomaaliya si rasmi ugu soo wareegto ay noqoneysaa markii u horeysay, iyadoo dowladda ay awood u heli doonto in diyaaradaha mara hawada Soomaaliya ay ka qaado canshuuro iyo inay la wareegto ammaanka hawada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!