Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay in hub iyo gadiid dagaal siisay maamulka Galmudug

by admin | Thursday, Sep 10, 2015

Muqdisho : HN :–Saraakiisha maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee fadhigoodu yahay magaalada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud ayaa si kulul ugu eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay hurineyso dagaallo ka qarxa deegaannada gobollada dhexe Soomaaliya.

Cali Baashi Faarax Cali oo ka mid ah saraakiisha Ahlu Sunna ee fadhigoodu yahay magaalada Dhuusa-mareeb, ayaa sheegay inahlusuna dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay degmada Caabud-waaq ku taageertay dowladda Soomaaliya hub iyo gadiid dagaal.

”Waxaan cadeynayaa in gaadiidkii Dagaalka ee ka qaybgalay dagaalkii labadii Maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay Caabud-waaq ay yihiin kuwii Sir-doonka Soomaaliya ee dhawaan Cadaado la keenay, Hubka lagu dagaallamayana waa midkii dowladda Somalia, iyadaana Dagaalka Caabud-waaq dhinac ka ah,” ayuu yiri Cali Baashi.

Sarkaalkan ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka iyo Dalalka Taageera Dowladda Federaalka Somalia, inay il-gaar ah ku hayaan hub uu sheegay inay Dowladda Soomaaliya geynayso Gobolka Galgaduud.

“Beesha Caalamka waxaan ka dalbanaynaa in ay isha ku hayso hubka iyo waliba gaadiidka dagaal ee ay dowladda federaalka Soomaaliya ku Daabulayso Gobolka Galguduud oo khatar ku ah Amniga guud ee Gobolka,” ayuu hadalkiisa ku daray Cali Baashi.

Ugu dambeyn, Hadalka Mas’uulkan ka tirsan Ahlusunna ayaa kusoo beegmaya xilli labadii casho ee lasoo dhaafay ay dagaallo u dhexeeya Ahlusunna iyo ciidan taageersan Maamulka Galmudug, iyadoo shalay Caabud-waaq laga saaray Xoogaggii Ahlusunna Waljamaaca ee horay ugu sugnaa.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!