Dowladda Soomaaliya oo sarkaal horay uga tirsanaa Al-shabaab u dalacsiisay Jeneraal

by wadani | Friday, Nov 4, 2016

sheegow-280x175Muqdisho : HN :-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horesay u dalacsiisay sarkaal horay uga tirsanaan jiray Al-shabaab, laakiin markii danbe ka soo goostay darajada Jeneraal.

Max’uud Xaaji Axmed Cali Sheegoow oo hadda ka tirsan ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa loo dalacsiiyay General, waxaana Sheegpow isaga oo watta ciidammo waxaa uu sanadkii 2012ka uu ka soo goostay Al-shabaab, isaga oo wixii xiligaa ka danbeeyay ku biiray ciidammada xoogga dalka.

Jeneral Sheegow ayaa xilligaasi lagu abaalmariyay derajada Gaashaanle sare isagoo ka mid noqday ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Hase yeeshee waxaa shalay goob fagaare ah lagu soo bandhigey Jeneraal Sheegow oo ay u xiran tahay darajada Sareeye Guuto.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegaya in dalacsiinta Sareeye Guuto Sheegow ay ku timid qancinta beesha Shiidle oo dhowaan carro ka muujisay xubnaha ay ka heshay maamul goboleedka Hirshabeelle iyadoo illaa iyo hadda xilalka ugu sareeya maamulka Hirshabeelle ay yihiin kuwo ay haystaan mas’uuliyiin ku abtirsada beelaha gobolka Hiiraan.

Ugu danbeyntii dalacsiinta sarkaalkan ayaa waxaa ay ka mid noqonaysaa dalacsiin badan oo dhowaan uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u  dalacsiiyay saraakiil ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!