Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aan lagu war-galin darbiga Kenya ay ka dhiseyso xadka

by admin | Tuesday, Mar 24, 2015

Nairobi : HN :–Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa sheegay in dowladda Somalia aan lagu soo wargelin dabi ay sheegtay in Kenya ay ka dhisayso xadka ay la wadaagto Somalia.

Isaga oo la hadllayay warbaahinta ayuu sheegay in warkaan ku saabsan dhismaha darbigan ay ka maqleen warbaahinta oo aysan jirin wax lagu soo wargeliyay ka dowlad ahaan. Isagoo xusay in Kenya ay xuduud dheer la leedahay Soomaaliya.

“Innagu warkaan waxaan ka maqalnay warbaahinta, xukuumadda Kenyana darbiga ay ka dhiseyso xuduudda ay Somalia la leedahay naguna soo wargelin,” ayuu danjiruhu ku sheegay wargeysiga.

Safiirka ayaa intaa ku darray in Kenya uu kala dhexeeyo xiriir fiican oo dhinacyo badan leh, sida xog-is-dhaafsiga, aysanna aqbaliAmeeriko doonin in amni-darro laga geysto gudaha Kenya.

Wasiirka Amniga Gudaha Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay in toddobaadka nagu soo fool leh ay dabi ka dhisayaan xuduudda u dhexeysa Somalia iyo Kenya, si looga hortago falalka amni-darro ee ay kooxaha argagaxisada ah ka geysanayaan dalka Kenya.

Shacabka ku nool magaalada Mandheera ayaa tallaabadan lagu dhisayo darbiga si diirran u soo dhaweeyay, kaddib markii magaaladas ay tan iyo dhammaadkii sannadkii aynu ka soo gudbnay ka dhacayay weerarro argagaxiso oo ay geysanaysay Al-shabaab.

Ugu dambeyn, tallaabadan ay Kenya ku sheegtay inay darbiga kaga dhisayso xadka ay la wadaagto Somalia ayaa noqonaysa tallaabadii ugu horreysay oo Kenya qaado si ay uga hortagto falalka amni-darro ee xuduud ka tallowga ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!