Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la siinayo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drons’ka

by admin | Saturday, Mar 7, 2015

Muqdisho : HN :–Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtay in la siinayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Drones-ka si ay ugu isticmaasho dagaallada ay kula jirto Al-shabaab.

Max’ed Yuusuf Cismaan afhyeenka  wasaarrada ammniga  ayaa u sheegay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua in dowladda Somalia la siinayo markii ugu horreysay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka, inkastoo uusan sheegin dalka siinayo.

“Waddamo aan saaxiibbo nahay ayaa nagu caawinaya diyaaradaha Drones-ka loo yaqaanno, waxaana u adeegsan doonnnaa dagaalka aan kula jirno Al-shabaab,” ayuu yiri Yuusuf, balse ma sheegin AMISOM ay diyaaradahan u adeegsan doonto dagaalka iyo in kale.

Dowladda Mareykanka ayaa horay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Drones-ka u isticmaashay dhowr jeer weerarrodrone-280x175 ay la beegsatay goobaha ay Al-shabaab ka taliso, kuwaasoo ay ku dishay hoggaamiyihii hore ee kooxdaas iyo mas’uuliyiin kale oo sarsare.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa meelo fara badan oo ay Al-shabaab ka talinaysay ku qabsaday dagaallo, inkastoo ay weli kooxdu ka taliso dhul ballaaran oo Soomaaliya ku yaalla.

Waa markii ugu horreysay oo la shaaciyo in dowladda Somalia ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn helayso si ay ugu adeegsato dagaallada ay kula jirto Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!