Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay magaca cusub ee xafiiska QM Soomaaliya

by admin | Tuesday, Nov 10, 2015

Muqdisho : HN :–Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay sameynta Xafiiska taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOS), kaasoo lagu ansixiyay qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2245.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa shir heer wasiir ah ka yeeshay Xaalada Soomaaliya, iyadoo shir guddoominayeen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain Philip Hammond, waxaana ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in aas-aasida xafiiska UNSOS uu markhaati u yahayastaanta-qaranka kaalinta hogaamineed ee howl galka Qaramada Midoobey ee nabadda iyo xasiloonida Soomaliya.

“Xukuumadda Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa go’aanka Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey 2245 ee aas aaska Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOS oo lagu bedelay Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee AMISOM (UNSOA)”ayuu yiri Maareeye.

Mr Maareeye ayaa carabka ku dhuftay muhiimadda ay leedahay in la iska iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isagoo tilmaamay in Soomaaliya uu ka jiro horumar weyn

“Soomaaliya waxaa jira horumar weyn samaynta Xafiiska UNSOS wuxuu xoojin doonaa isku-duwidda, iskaashiga iyo taageerada la siiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo AMISOM ee dagaalka kula jira argagixisada”ayuu yiri Maareeye.

Ugu dambeyn Wasiir Maareeye ayaa u mahad celiyay Qaramada Midoobey iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in dhaqaale lagu bixiyo sidii Al-Shabaab loo tir-tiri lahaa, isla markaana UNSOS uu taageeri doono dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!