Dowladda Soomaaliya oo wariyayaal ajnabi ah ka masaafurisay Muqdisho

by admin | Tuesday, Nov 4, 2014

Muqdisho : HN :–Xukuumada Soomaaliya ayaa  dalka ka musaafurisay Wariyeyaal Ajnabi ah oo dalka dhowaan si sharci daro ku soo galay, Iyadoo Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed uu soo dhoweeyay tallaabadan.

Suxufiyeenta la masaafuriyay ayaa u kala dhashay dalalka Uganda iyo Ghana, kuwaasoo doonayay in Isniintii ay tababar u furaan saxafiyiin, waxaana tababarkan qabanayay nin horay uga tirsanaa ururada Suxufiyiinta Qaranka, inkastoo ciidammada ammaanka ay is hor-taageen tababarkaas.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta C/llaahi Colaad Rooble ayaa sheegay in wariyayaashan ajnabi aanay soo marin Wasaarada,Astaanta-Soomaaliya-300x228 laguna soo wargelin, isagoo ku eedeeyay saxafiyiin badan oo ajnabi ah inay si sharci daro dalka ku soo galaan.

Xog-hayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Maxamed Ibraahim Bakistaan ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan tallaabadan, waxaana uu dhankiisa xusay in aanay soo marin Ururkooda saxafiyiintaas ajnabiga ah.

Inta badan magaalada Muqdisho ayaa waxaa yimaada saxafiyiin ajnabi ah oo doonaya inay macluumaad iyo warbixino ka diyaariyaan xaalada Soomaaliya, inkastoo saxafiyiinta ajaaniibta ay toos ula soo xiriiraan shirkado amni gaar loo leeyahay, kuwaasoo ammaankooda suga.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!