Dowladda Soomaaliya oo xakameyneysa hubka sidda sharci darrada ah ugu jira gacanta dadweynaha

by admin | Sunday, Mar 29, 2015

Muqdisho : HN :– Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay siyaasad cad ka qaadaneyso hubka gacanta ugu jira shacabka ku nool Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in hubka gacanta ugu jira shacabka ay qayb ka qaadanayso amnidarada.

Wasiirka waxaa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed laga doonayo in ay hubkooda ku soo wareejiyaan dowladda si ammniga loo suguXayir-Maareeye madaama, isaga oo intaa ku darray in aan ammniga la sugi karin haddii ay hubka iska heystaan dadweynaha.

“Siyaasad ayey ka qaadan doontaa xukuumada hubka gacanta ugu jira shacabka oo aan aaminsanahay inuu amni-darada sii xoojinayo” ayuu yiri Wasiir Maareeye oo saxaafadda la hadlay.

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed ayaa horay u sheegay in wasaaradiisa ay soo saareyso sharciyo la xiriira hubka lagu dhex-haysto magaalada Muqdisho gudaheeda.

Sanadkii hore ayey aheyd markii ciidamada dowlada ay ku dhaqaaqeen howlgal hubka looga dhigayey siyaasiyin iy shaqsiyaad kale oo ku hubeysan magaalada Muqdisho hase ahaatee dowlada ayaa joojisay howlgalkaas markii la dhaliilay qaabka loo wajahay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!